Guddi khilaaf ka dhex abuuray Madaxda sare ee Puntland oo la dhaariyey

0
18

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manta hortiisa lagu dhaariyey Guddiga Ku meel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maalmo ka hor uu magacaabay.

Dhaarta kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taaggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ula tahay, waxaana uu xusay in iyagana laga rabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmaamay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib.

Munaasabada dhaartan ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka soo horjeestay qaabka uu Madaxweyne deni u magacaabay guddiga oo uu sheegay iney baal marsan tahay dastuurka Puntland.