Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Carrafo

0
55

HomeWararMalaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Carrafo
Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Carrafo
August 10, 2019
Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carrafo, si ay u gutaan xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka.

Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan 2,096,023, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan

Ammaanka ayaa si aad ah loo xoojiyey, iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka.

Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka.

Dhammaan dalalka Islaamka ayaa sidoo kale beri isku diyaarinaya dabaal dega maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa.