DAAWO SAWIRADA:-Munaasabad Uu Goobjoog Ka Ahaa Safiirka Dalka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Lagu Daahfurayay Ururka Saaxibtinimada Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

0
236

Munaasabada Waxaa Kasooqaybgalay Masuuliyiin Katirsan Dowlada Soomaaliya Oo Ay Kamidyihiin Wasiiro Xildhibaano Kasocday Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Talisyada Kala Duwan Ee Ciidamada Dowlada Soomaaliya Dhaqaatiir Iyo Masuuliyiin Kasocday Dalka Shiinaha.

Ugu Horayn Munaasabada Waxaa Kahadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Faysal Cumar Guuleeed Waaxaana Uu Sheegay In Uu Ku Faraxsan Yahay In Uu Kasooqaybgalo Kulankaan Isagoona Tilmaamay In Dowlada Shiinaha Ay Kamidtahay Dalalka Aalaaba Garabistaaga Soomaaliya Waxaana Uu Sheegay In Dhalinyaradaan Uu Kubogaadinayo Horumarka Ay U Istaageen .

Intii Ay Socotay Munaasabada Waxaa Sidoo Kale Ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Saaxibtinimada Soomaaaliya Iyo Shiinaha Cabdilaahi Cabdi Qaadir Xaashi Oo Kamid Dhalinta Wax Kasoobaratay Dalka Shiinaha Islamr Ahaantaana Jecel In Ay Kor Usiiqaadaan Xiriirka Ka Dhaxeeya Wadamada Soomaaliya Iyo Shiinaha Iyadoona Uu Balanqaaday In Ay Wax Ugu Qaban Doonaan Aqoontooda Dadka Soomaaliyeed Ee Ubaahan In Wax Looqabto,
Ugu Danbayn Munaasabada Waxaa Kahadlay Safiirka Dalka Shiinaha Ee Soomaaliya Qin Jien Waxaana Uu Sheegay In Dalalka Soomaaliya Iyo Shiinaha Xiriirkooda Uu Yahay Mid Wanaagsan Isagoona Balanqaaday In Safaarada Dalka Shiinaha Ay Garab Istaagi Doonto Dhalinyaradan Soomaaliyeed Ee Wax Ku Soobaratay Dalka Shiinaha Ee U Istaagay Hormarka Dalka .

Ururkaan Loogu Magacdaray Saaxibtinimada Dalalka Shiinaha Iyo Soomaaliya Ayaa Waxaa Lafilayaa In Uu Noqdo Urur Waxbadan Kabadala Xaalada Dalka Sidookalana Kaqaybqaata Dib Udhiska Dalka Soomaaliya,

HOOS KA DAAWO SAWIRADA